Skip to main content

waa maxay wayso?? waa mxay xukunkeed??

Waysadu waa in lagu dhaqo biyo nadiifa ah xubnaha jidhka ee afarta ah, Wajiga, labada gacmood, madaxa iyo labada lugood. Waxaana u daliila waajibka waysada aayada Quraanka ah ee uu Allah leeyahay: [Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana Madaxiinna (Dhaqana) Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya,] [Maa’idah: 6] Ma waajibaa in Bisinka lagu bilaabo Waysada? Bisinku waa waajib in la xuso kolkaad wayso qaadanayso waxaana u daliila xadiiska Nabiga (N.N.K.H) uu leeyahay: [Salaada malaha ruuxaan wayso qaadan, waysana malaha ruuxaan xusin magaca Allah] [1] Hadiii aan ilaawo bisinka bal ka warran? Haduu ruuxu ilaawo way ka gudaysaa, waxaana u daliila xadiisii Nabiga ee uu lahaa: Umadayda waa laga cafiyey waxay ku gafaan iyo ilowshahaba. Waa maxay Shuruudaha Waysadu? Shuruudaha Waysadu waa inuu ruuxu yahay Islaam, Caqli leeyahay, qaan gaadhay iyo inuu niyeysto inuu wayso qaadanayo sidoo kale inuu istijo qabo iyo in biyaha lagu waysaysanayo daahir yihiin iyo in la suuliyo waxa keenaya inaan biyuhu gaadhin jidhka sida kiriimka iwm. Waa maxay Faralka Waysadu? Waysada waxa Faral u ah lix arrimood: Wajiga oo la dhaqo oo ay ku jirto in la luqluqdo iyo in Sanka biyaha la galiyo, gacmaha oo la dhaqo illaa suxulka, in la masaxo madaxa oo dhan oo ay ku jirto labada dhagood, labad lugood oo la dhaqo, tartiib inay iskugu xigto waysadu iyo inaan waqti u dhaxaynin waysada sida gacanta oo la dhaqo kadibna markay qalasho la dhaqo lugaha. Wajiga xadkiisu waa halkee? Wajiga la dhaqayo xadkiisu waa meesha ay timaha madaxu ka bilaabmaan illaa laga gaadhayo Gadhka iyo ballaca oo ah dhagta laga bilaabo ilaa dhagta kale la gaadhsiiyo, waxaana waajib ah in la dhaqo waxa u dhaxeeya sidoo kale waa in la dhaqaa timaha gadhka oo hoos loo gaadho gadhka haduu waynyahayna waa inaad farahaaga galisaa Gadhka. Waa maxay Tartiibta Waysadu? Tartiibtu waxa weeye in lagu bilaabo Waysada in la dhaqo gacmaha hore kadibna wajiga markaasna la dhaqo labada gacmood ilaa laga gaadho, kadibna la masaxo madaxa iyo dhagaha, kadibna la dhaqo labada lugood. Maxaa looga jeedaa in Waysada u dhaxaynin waqti? Waxa weeye inaad waysaysato xubnahaaga qaar kadibna waqti kasoo wareego oo ay kala qallasho waysadu, markaas waa inaad waysad dib usoo bilowdaa oo wayso cusub qaadataa. Waxaana u daliila xadiiskan: Cumar waxa laga wariyey in Nin uu wayso qaatay oo kolkaasna meel lugtiisa kamid ah ka tagay, waxaana arkay Nabiga (N.N.K.H) wuxuuna yidhi: Laabo oo wayso soo qaado kolkaasna tuko.[2] Qaabkee loo waysaystaa? Marka koowaad waa inuu ruuxu niyeystaa Waysoqaadasho, kadibna Bisinka ayuu qabsanayaa, kadibna sadex jeer ayuu gacmihiisa dhaqayaa, kadibna sadex jeer ayuu luqluqanayaa oo biyahana Sanka galinayaa, kadibna wajigiisa ayuu dhaqayaa sadex jeer, kadibna labadiisa gacmood ayuu dhaqayaa ilaa suxulada sadex jeer, kadibna madaxiisa ayuu masaxayaa hal mar isagoo ka bilaabaya fooda hore geynayana qoorta hadna qoorta ayuu kasoo celinayaa oo uu keenayaa meeshuu ka bilaabay, kadibna labadiisa farood ee Murdisada yuu galinaya labadiisa dhagood wuxuuna labadiisa suul ku masaxayaa dhagaha korkooda kadibna wuxuu dhaqyaa labadiisa lugood ilaa iyo canqawga sadex jeer. Qaabkeebuu u wayso qaadanayaa ruux xubin ay go’antahay? Ruuxa gacantu go’antahay wuxuu wayso qaadanayaa inta soo hadhay ee faralka ag in la dhaqo, hadii gacantu ay ka go’antahay suxulka wuxuu dhaqyaa madaxa carjawda suxulka waana sidaas oo kale ruuxa ay lugtu ka go’antahay canqawga ama kuraanta. Waysada ma dhaqi karaa xubnaha faralka ah laba jeer ama hal mar oo kaliya? Haa, waxaad dhaqi kartaa laba jeer xubin kastaba wayna banaantahay waxaana u daliila xadiiska nabiga ee uu wariyey Cabdilaahi ibnu Sayid: [Nabigu wuxuu waysaystay laba laba][3] sidoo kale hal mar waa la waysaysan karaa waxaana u daliila xadiiska ibnu Cabbaas: Nabigu (N.N.K.H) wuxuu wayso qaatay laba laba kamanuu siyaadin[4] Waxaad sheegtaa Sunooyinka Waysada? Inuu dhamaystiro Waysada, faraha oo lays galiyo, in biyaha xoog loo galiyo sanka marka laga reebo qofka sooman, in la cadaydo iyo in labada kaf (gacmaha hore) la dhaqo sadex jeer iyo in Timaha Gadhka ee badan faraha la galiyo. Waxaana u daliila xadiiska Laqiid ibnu Subrah wuxuu yidhi: waxaan idhi Rasuulkii Ilaahayow, iiga warran waysada? Wuxuu dhahay: [ Waysada dhamaystri, faraahana is gali, sanakan biyaha ku raarici marka laga reebo inaad soomantahay mooyee.][5] Waxaana gadhka faraha la galinayo u daliila xadiiska Cusmaan (I.R.H): Nabigu wuxuu ahaa mid faraha oo biyo le galiya Gadhkiisa)[6] Waysada kadib maxaa la dhahayaa? Waxa la akhrinayaa ducadan uu soo wariyey Cumar wuxuu yidhi: Wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): [Mid idin kamid ah majiro oo waysaysta oo dhamaystira waysada markaasna dhahay: [Waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inaanu jirin Allah mooyaane, waana kalidii oo cidna ma waheliso, waxaan kale oon qirayaa in Muxamed yahay adoonkiisii iyo Rasuulkiisii (haduuba dhahoba) waxaa loo furaa Albaabada Jannada ee sideeda ah kuu doono uu ka galo][7]

Comments

Popular posts from this blog

qisadii nebi muuse iyo fircoon oo kooban

Fircoon oo xukumi jiray Masar waxa Ilaahay usoo diray Nabi Muuse iyo walaalkii Nabi Haaruun kadibna waxay dacwadii gaadhsiiyeen Ficoon iyo qoomkiisii balse way diideen inay dacwadan qaataan oo waxay dileen caruurtii reer banu Israa’ill ayagoo gawracaya wiilasha hablahana daynaya, dabadeedna Fircoon ayaa bandhig sixireed ku cariyey Nabi Muuse iyo walaalkii Haaruun markaasuu Sixiroolayaashiisii faray inay tuuraan xadhkihii oo isu badalay masas ama abeesooyin si ay dadka ugu cabdi galiyaan. Nabi Muuse ushiisii ayuu tuuray waxayna isu badashay Ilaahay idankiis Mas oo cunaya dhamaan masaskii yaryaraa ee Sixiroolayaashu dadka ku sixreen, kadibna Sixiroolayaashii ayaa rumeeyey Rabigii Nabi Muuse iyo Haaruun wayna u sujuudeen Ilaahay hase ahaatee Fircoon ayaa laayey Sixiroolayaasii. Qoomkii Fircoon Ilaahay wuxuu ku imtixaamay balaayooyin badan, waxa loo soo diray Duufaankii, Ayax, Raho, Injiro, iyo cuntadoodii o dhiig isu badashay, hadana waxaas oo dhan waxba kumaysan qaadanin ee gaalnimo iyo

qiso cajiib ah oo lagu cimro qaadanyo

Magacayga waxaa la yirahda Cassie, waxaan ahey gabar 23 jir ah oo ka soo Qalinjabisey Iskuulka Kalkaalinta Caafimaadka. Shaqadii iigu Horeysay waxaan ka heley meesha lagu Xanaaneeyo Dadka Waayeelka (Home nurse).Qofkii iigu horeeyey ee la igu Qorey wuxuu ahaa Odey 80 jir ah dalka Ingiriiska u dhashay oo qaba Cudurka ‘Alzheimer’s’. ee xasuusta dadka ay ka lunto ama asaasaqa. Maalintii iigu horeysay ee aan Shaqada soo galay ayaa la ii Dhiibey Feylka Bukaanka. Haddii aan Isha la raacay waxaa ku qoran inuu Diinta Islaamka galay. Horey ayaan u Ogaa in Hab Dhaqameedka meesha (Home nurse) qaarkiis uu ka hor imaan doona Diintiisa, sidaas darteed aan u baahanahey inaan Fahmo Waxyaabaha uu u baahan yahay si aan ugu Khidmeeyo sida ugu Wanaagsan. Odayga wuxuu ahaa Qof ay Xaaladiisa Caafimaad aad u Liidato oo ay Adag tahay in loo Khidmeeyo, Xitaa Saaxibadey ayaa ila yaabi jirey sida aan ugu Dadaalayo Qof ay Xaaladiisu sidaan tahay, oo hadana sita Diin Qariib ah, Anigase waxaan u Arkaayey Q