Waysadu waa in lagu dhaqo biyo nadiifa ah xubnaha jidhka ee afarta ah, Wajiga, labada gacmood, madaxa iyo labada lugood. Waxaana u daliila waajibka waysada aayada Quraanka ah ee uu Allah leeyahay: [Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana Madaxiinna (Dhaqana) Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya,] [Maa’idah: 6] Ma waajibaa in Bisinka lagu bilaabo Waysada? Bisinku waa waajib in la xuso kolkaad wayso qaadanayso waxaana u daliila xadiiska Nabiga (N.N.K.H) uu leeyahay: [Salaada malaha ruuxaan wayso qaadan, waysana malaha ruuxaan xusin magaca Allah] [1] Hadiii aan ilaawo bisinka bal ka warran? Haduu ruuxu ilaawo way ka gudaysaa, waxaana u daliila xadiisii Nabiga ee uu lahaa: Umadayda waa laga cafiyey waxay ku gafaan iyo ilowshahaba. Waa maxay Shuruudaha Waysadu? Shuruudaha Waysadu waa inuu ruuxu yahay Islaam, Caqli leeyahay, qaan gaadhay iyo inuu niyeysto inuu wayso q...