Skip to main content

Posts

Somaliland advancement youth organization (saying)

Recent posts

Dal ka tirsan aarada yurub oo qarka u saaran inuuu somaliland ictiraafo

Dalka Sweden oo Isha ku Haya Aqoonsiga Somaliland Kadib Doorashadii Madaxtooyada Ee Dhacaday Somaliland +Arimaha Lagu Majiirnayo. Dalka Sweden oo ka mid ah waddamada waawayn ee Qaaradda Yurub, ayaa si gaar ah isha ugu haya inuu aqoonsado madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland kadib doorashadii Madaxtooyada ee badhtamihii bishan shacabkeedu ku doorteen madaxweynaha cusub. Wargeys kasoo baxa dalka Sweden oo la yidhaa Nyheter Idag, ayaa cadadkiisii soo baxay 21 Nov 2017ka ku daabacay mid ka mid ah bogaggiisa qoraal uu ku falanqaynayo horumarka wayn ee Somaliland gaadhay iyo sida ay indhaha caalamka u soo jiidatay, sidaa darteedna dalka Sweden uu u muuqdo inuu hormood u yahay sidii loo ictiraafi lahaa. "Dal Afrika ka mid ah oo la yidhaa Somaliland, ayaa kasbaday inuu soo jiito indhaha dunida oo ay ku jiraan dalalka Iskaandaniifiyaanku (Sweden, Finland iyo Dermark), iyadoo uu dalka Sweden yahay kii kowaad ee ka tirsan Ururka reer Yurub (EU) ee aqoonsada Falastiin, sidoo kalena uu

qiso cajiib ah oo lagu cimro qaadanyo

Magacayga waxaa la yirahda Cassie, waxaan ahey gabar 23 jir ah oo ka soo Qalinjabisey Iskuulka Kalkaalinta Caafimaadka. Shaqadii iigu Horeysay waxaan ka heley meesha lagu Xanaaneeyo Dadka Waayeelka (Home nurse).Qofkii iigu horeeyey ee la igu Qorey wuxuu ahaa Odey 80 jir ah dalka Ingiriiska u dhashay oo qaba Cudurka ‘Alzheimer’s’. ee xasuusta dadka ay ka lunto ama asaasaqa. Maalintii iigu horeysay ee aan Shaqada soo galay ayaa la ii Dhiibey Feylka Bukaanka. Haddii aan Isha la raacay waxaa ku qoran inuu Diinta Islaamka galay. Horey ayaan u Ogaa in Hab Dhaqameedka meesha (Home nurse) qaarkiis uu ka hor imaan doona Diintiisa, sidaas darteed aan u baahanahey inaan Fahmo Waxyaabaha uu u baahan yahay si aan ugu Khidmeeyo sida ugu Wanaagsan. Odayga wuxuu ahaa Qof ay Xaaladiisa Caafimaad aad u Liidato oo ay Adag tahay in loo Khidmeeyo, Xitaa Saaxibadey ayaa ila yaabi jirey sida aan ugu Dadaalayo Qof ay Xaaladiisu sidaan tahay, oo hadana sita Diin Qariib ah, Anigase waxaan u Arkaayey Q

waa maxay wayso?? waa mxay xukunkeed??

Waysadu waa in lagu dhaqo biyo nadiifa ah xubnaha jidhka ee afarta ah, Wajiga, labada gacmood, madaxa iyo labada lugood. Waxaana u daliila waajibka waysada aayada Quraanka ah ee uu Allah leeyahay: [Kuwa (xaqa) Rumeeyow Haddaad u Kacdaan Salaadda Dhaqa Wajiyadiina, iyo Gacmihiinna Tan iyo Jiqilka (Xusulka) Masaxana Madaxiinna (Dhaqana) Lugihiina Tan iyo anqawyada haddaad Janaabo qabtaan isdaahiriya,] [Maa’idah: 6] Ma waajibaa in Bisinka lagu bilaabo Waysada? Bisinku waa waajib in la xuso kolkaad wayso qaadanayso waxaana u daliila xadiiska Nabiga (N.N.K.H) uu leeyahay: [Salaada malaha ruuxaan wayso qaadan, waysana malaha ruuxaan xusin magaca Allah] [1] Hadiii aan ilaawo bisinka bal ka warran? Haduu ruuxu ilaawo way ka gudaysaa, waxaana u daliila xadiisii Nabiga ee uu lahaa: Umadayda waa laga cafiyey waxay ku gafaan iyo ilowshahaba. Waa maxay Shuruudaha Waysadu? Shuruudaha Waysadu waa inuu ruuxu yahay Islaam, Caqli leeyahay, qaan gaadhay iyo inuu niyeysto inuu wayso q

qisadii nebi muuse iyo fircoon oo kooban

Fircoon oo xukumi jiray Masar waxa Ilaahay usoo diray Nabi Muuse iyo walaalkii Nabi Haaruun kadibna waxay dacwadii gaadhsiiyeen Ficoon iyo qoomkiisii balse way diideen inay dacwadan qaataan oo waxay dileen caruurtii reer banu Israa’ill ayagoo gawracaya wiilasha hablahana daynaya, dabadeedna Fircoon ayaa bandhig sixireed ku cariyey Nabi Muuse iyo walaalkii Haaruun markaasuu Sixiroolayaashiisii faray inay tuuraan xadhkihii oo isu badalay masas ama abeesooyin si ay dadka ugu cabdi galiyaan. Nabi Muuse ushiisii ayuu tuuray waxayna isu badashay Ilaahay idankiis Mas oo cunaya dhamaan masaskii yaryaraa ee Sixiroolayaashu dadka ku sixreen, kadibna Sixiroolayaashii ayaa rumeeyey Rabigii Nabi Muuse iyo Haaruun wayna u sujuudeen Ilaahay hase ahaatee Fircoon ayaa laayey Sixiroolayaasii. Qoomkii Fircoon Ilaahay wuxuu ku imtixaamay balaayooyin badan, waxa loo soo diray Duufaankii, Ayax, Raho, Injiro, iyo cuntadoodii o dhiig isu badashay, hadana waxaas oo dhan waxba kumaysan qaadanin ee gaalnimo iyo

Hambalyo ku socata madex waynaha cusub

waxa aan hambalyo u diraynaa madax waynaha cusub ee somaliland mujaahid mudane muuse biixi cabdi waxa aan leenahay alle xilka ha kugu asturo waad u qalantaa inaad somaliland ka noqoto madax wayne waayo mudo badan ayaad u soo sirirtay sidii uu dalkani taabe qaadi laha xasi noolina ugu noolan lahayn